U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab islamarkaana qaabilsanaa dhanka waxbarashada ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Ibraaahim Aadan Maxamed, ayaa sheegay in muddo 9 sano ah uu ka mid ahaa Al-shabaab.

Ibraahim ayaa tilmaamay in sababta uu isku soo dhiibay ay tahay markii uu ogaaday sida uu sheegay in waddo sax ah aanay ku socon Al-shabaab.

“Anigoo ah Ibraahim Aadan Ibraahim kuna magac dheer Ibraahim Nadaara, kana tirsanaa Al-shabaab, una hayey xilka xafiiska waxbarashada gobollada Baay iyo Bakool, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in laga billaabo xilligan in aan ka baxay ururkii aan ka tirsanaa ee Al-shabaab, sababta aan uga soo tagey ururka waxaa ka mid ah qaladaad isugu jira kuwo diin iyo kuwo maamul oo Xarakada ku jirtay, waxaan arrinkaan ku baraarugay muddo hadda laga joogo Labo sano” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa sidoo kale yiri “Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in waxa aan kasoo baxay tahay urur, balse aanay ahayn in diinta aan ka baxay, waxaan kaloo rabaa inaan u sheego dadka la xamaasadeysan Al-shabaab in waqtiga waxbari doono, islamarkaana ay ogaan doonaan xaqiiqada dhabta ah”

Ugu dambeyn Sarkaalkan ka goostay Al-shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday cafis.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal sarkaalkaan kasoo goostay, waxaan sidan oo kale dhowr jeer dowladda ugu soo galay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News