U bood dhigaalka

Sawir gacmeed Muujinaya Cod Iibsashada Xunbaha Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Iyada oo cirka isku shareerey muranka u dhaxeeya madaxda Dalka ee ku aadan isku shaandhayn dhowaan lagu sameeyey goloha Wasiirada 25kii Oktoobar, meesha lagu kala baxayana ay tahay baarlamaanka dhexdiisa ayaa waxaa aad loo hadal hayaa in uu jiro kala iibsi codadka xildhibaanada, arrintaasina waxaa sawir gacmeed ka sameeyey Amiir Caamir oo ah farshaxaniiste Soomaaliyeed.

Sawirkani oo uu Amiir Caamir soo bandhigay ayaa waxaa ka horeeyey mid noociisa oo kale ah kaas oo uu soo bandhigay waqti sidan oo kale lagu eedeeyey xildhibaanada in ay codadkooda iibsadeen. Sidoo kale sawirkaas ayaa waxaa horay abaalmarin ugu siiyey Amiin Caamir ururka lagu magacaabo uruka sawir gacmeedyada ee bariga Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano KATUNI (The Association of East African Cartoonist) kadib markii loo aqoonsaday in uu yahay mid xaqiiqda baarlamaanka soomaaliyeed ka turjumaya.

Dadweynaha ayaa u haysta sawirka Amiir Caamir mid si dhab ah uga turjumaya dareenka iyo aragtidooda ay xiligan ka qabaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ma ahan dadweynaha oo keliya waxa ka qaba aragtidan barlamaanka ee waxaa dhowaan aragtidan mid la mid ah muujiyey qeybo ka tirsan beesha caalamka ka dib markii uu dhawaan ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo wakiilka xafiiska midowga Yurub ee Soomaaliya ay labaduba soo saareen war saxaafadeed ay ku eedeynayaan in xildhibaanada baarlamaanku ay qaataan laaluush, taasi oo si weyn uga caraysiisey xildhibaanada qaarkood kuwaas oo ka dalbaday in raaligalin laga bixiyo qoraalkaas.

Sida ay qabaan dadweynaha iyo siyaasiin kaleba ayaa sheegaya in sababaha xoojinaya eedeymaha ah in xildhibaanada ay laaluush qaataan ay ka mid tahay in mararka ay jiraan kulamada caadiga ah ee baarlamaanka ay intooda badan xildhibaanadu iska maqan yihiin iyada oo aysan jirin wax cudurdaar ah oo la taaban karo, balse marka mooshin uu yimaado in ay dalka ku soo wada laabtaan si ay uga qeybqaataan hawsha socota oo ay u arkaan fursad marar keliya timaada.

unnamed

Amin2

Goobjoog.com