U bood dhigaalka

Sawirro: Shirka “Heshiiska Amni” Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho ka furmay shirka ‘ Heshiiska Amni” ee looga hadlayo xallinta arrimaha la xiriira Amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madasha waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, ergeyada qaramada midoobey iyo midowga Afrika, taliyeyaasha AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socota dalal iyo ururo caalami ah.

Shirkan oo daba socda shirkii London ee heshiiska amniga, waxaa lacag loogu raadinayaa 18 kun askari ee lagu asteeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa looga hadli-doonaa sida ay AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

Kulanka oo labo maalin socon-doona, maanta waxaa looga hadlayaa heshiiska amniga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya halka berri xoogga lagu saari-doono “Somali Partnership Forum”.

Sawirro: 

2 1 3 4