Sen. Abshir: Kala Xadeynta Dastuuriga Ah ee Awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Arar: Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay soo martay marxalo kala duwan waxaana soo xukumay dowlado rayid ah iyo dowlad militeri ah. Hab-dhaqanka siyaasadeed iyo midka maamul ee Dalka wuxuu intiisa badan ka soo jeedaa Dowladahaas ka hanaqaaday Dalka intii u dhaxeysay 1960kii – 1991kii; Saraakiisha Dowladda ee maanta leh waayo-aragnimo dowladeed waxay intooda badan soo shaqeeyeen ama ka soo minguursadeen xilliyadaas oo uu nidaamka xukunka dalku ahaa nidaam ay awoodda siyaasadeed iyo mida maamul ku uruursan tahay gacanta (Unitary System) Dowladda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Garwadeenka Siyaasadeed ee metalayay qeybaha bulshada Soomaaliyeed waxay 2004tii markii ugu horreysay ka wada hadleen sida ugu maangalsan ee loo soo celin karo qarannimadii iyo nidaam dowladeed oo isku hayn kara Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo kala irdhoobay siyaasad ahaan iyo deegaan ahaanba.

Ugu dambeyntii, waxaa la isla qaatay in la dhiso nidaam Federaal ah iyada oo la dhisay dowlad ku meel gaar ahayd taas oo waajibkeeda koowaad uu ahaa sidii loo heli lahaa Dastuur dhammeystiran oo ku saleysan nidaam federaal ah. Nasiibwanaag, hawlihii baaxadda lahaa ee sameynta Dastuur ku meel gaar ah ayaa dhammeystirmay 1dii Agoosto 2012 xilligaas ayeyna Dowladii ka baxay kummeelgaarnimadii.

Isla markiiba, waxaa bilowday in la hirgeliyo nidaamka federaalka ee dastuurku xeeriyey waxaana dhismay intii lagu gudo jiray muddo xileedkii koowaad (2012 – 2016) ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhammaan Dowlad Goboleedyada hadda jira kuwaas oo ku soo biiray ama xubno ka noqday Dowladda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.1aad (1) iyo Qod.48aad (1) ee Dastuurka KMG ah.

Hadaba Dastuurka Federaalka ee kummeelgaarka ah waxa uu abuuray labo heer dowladeed oo kala madaxbannaan, mid kastaana uu leeyahay kaalin qeexan iyo hannaan dowladeed oo uu ku shaqeeyo, waxa uuna u kala qeexay dastuurka kummeelgaarka ahi sida soo socota:

Awoodaha U Gaarka Ah Dowlada Federaalka:

Xukuumadda Federaalka waxa uu Dastuurka kummeelgaarka ah si gaar ah ugu xilsaaray sida uu xeerinayo Qod.54aad awooda maareynta arrimaha soo socda:

1. Arrimaha Dibadda oo ay Xukuumaddu Federaalku leedahay awooda jaangoynta siyaasada Arrimaha Dibadda ee Dalka, iyada keliya ayaana ku mateleysaa Qaranka fagaareyaasha caalamiga ah iyo kuwa goboleed.

2. Difaaca Qaranka oo ay si gaar ah ugu xilsaaran tahay Xukuumadda Federaalka in ay dhisto Ciidamo Qaran oo suga nabadda, gobonnimada iyo ammaanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo badbaadinta shacabka iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidamada amniga oo ay ku jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, Nabadsugidda, Ciidanka Booliska, iyo Ciidamada Asluubta sida ku qeexan 126aad (1) ee Dastuurka kummeelgaarka ah ah.

3. Jinsiyadda iyo Socdaalka oo awoodda iyo mas’uuliyaddeeda ay si gaar ah u yeelanayso Xukuumadda Federaalka, waxa ayna dejineysaa siyaasada lagu maareynayo dhaqdhaqaaqa iyo aqoonsiga muwaadiniinta iyo ajaanibta iyada oo abuureysa baro cayiman oo laga soo galo Dalka kana hortageysa soo galootiga ku soo galaya Dalka si sharcidarro ah.

4. Siyaasada Lacagta taas oo ay Xukuumadda Federaalka dejineyso siyaasadda guud ee lacagta dalka iyada oo diiradda saaraysa la dagaallanka sicir bararka (qiimo dhaca lacagta) iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha shilin Soomaaliga. Sidoo kale, siyaasadda lacagta waxaa xiriir toos ah la leh kobcinta dhaqaalaha Dalka iyo siyaasadaha lagu horumarinayo maalgashiga iyo waxsoosaarka.

Haddaba, intaas waa awoodaha ay Xukuumadda Federaalka sida gaarka ah oo qeexan ay ugu xilsaaran tahay ayna tahay in ay awooddeeda isugu geyso oo ay dhisto hay’ado tayo leh oo ka shaqeeyaa fulinta awoodahaas gaarka ah taas oo u suurtogelineysa in ay xaqiijiso ilaalinta midnimmada & madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Awoodaha U Gaarka Ah Dowlad Goboleedka

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay si gaar ah u leeyihiin awoodaha uu siinayo Dastuurka Federaalka iyo Dastuuradooda iyada oo Dastuurka Dowlad Goboleedka la waafajinayo Dastuurka Federaalka si waafaqsan Qod.120aad iyo Qod.121aad. Haddaba, Dowlad Goboleedyada waxay leeyihiin awoodaha ay ugu muhiimsan yihiin:

1. Dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee maamulada dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waana awood u gaar ah dowlad goboleedka waxaana lagu nidaaminayaa si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo 120aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah, wax faragelin ahna kuma laha hay’ad ka mid ah hay’adaha Xukuumada Federaalka sida Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo kuwo kaleba ee Dowlada Federaalka.

2. Ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta iyo dhawrista xasiloonida iyo ammaanka deegaanadooda iyaga oo adeegsanaya ciidamadooda boliiska kaligood ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka sida ku cad 126aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah.

3. Bixinta adeegyada dowladeed ee bulshada sida Caafimaadka & Waxbarashada & adeegyada la xiriira Biyaha, Beeraha, Xannaanada xoolaha, Daaqa iyo deegaanka dabiiciga ah, La dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka, xiriirinta hoggaanka dhaqanka iyo horumarinta xeerdhaqanka Soomaaliyeed, xiriirinta culimada diinta, iyo arrimaha dhallinyarada sida ku cad 52aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah.

Sidaas darteed, sida uu kala qeexayo Dastuurka Federaalka kummeelgaarka ah awoodaha labada heer ee nidaamka Federaalka Dalka, ma jiro qodob dastuuri ah ama heshiis siyaasadeed oo u ogolaanaya Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka in ay hagto ama go’aan ku yeelato arrimaha la xiriira soo xulista xubnaha goleyaasha sharcidejinta iyo doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka.

Balse, waxaa lagu maamulayaa dhammaan hawlaha la xiriira doorashooyinka goleyaasha sharcidejinta iyo madaxda dowlad goboleedyada sida ku cad nuxurka Qod.120aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah kaas oo awoodahaas si gaar u siiyay Dastuurada Dowlad Goboleedyada, si qeexana ugu ogolaanaya Dowlad Goboleedyada in ay iyagu dhistaan goleyaashooda fulinta iyo xeer dejinta si waafaqsan dastuurada dowlad Goboleedyada ama sida ay ku heshiiyaan bulshada deegaanka.

Awoodaha Wada Xaajoodka U Baahan:

Dastuurka Federaalka kummeelgaarka ah waxa uu sidoo kale u ogolaanayaa mid kasta oo ka mid ah xukuumaddaha labada heer ee Federaalka in ay yeelato awoodo kale laakiin dhammaan awoodahaas waxay ku xiran yihiin wada xaajood iyo iskaashi dhab ah oo ay wada yeeshaan Madaxda labada heer dowladeed ama maamul.

Markaasna waxa uu heer kasta oo dowladeed uu ku khasban yahay in uu aqoonsado awoodaha heerka kale kulana shaqeeyo nuxurka Qod.50 aad iyo Qod.51aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah.

Hadaba, Dastuurka kummeelgaarka ah waxa uu si kooban u tilmaamayaa in arrimaha soo socdo ay u baahan yihiin wada xaajoodka labada heer dowladeed:

  • Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah sida ku cad 44aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah.
  • Mabaadii’da guud ee Maaliyadda Dalka si waafaqsan 122aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah.
  • Heshiisyda ku saabsan habka iskaashiga labada heer sida uu tilmaamayo52aad (2) ee Dastuurka Kummeelgaarka ah.
  • Awoodaha siyaasadeed oo ku uu ku jiro dhaqaale qaybsiga sida uu xeerinayo 54aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah.

Isla Xisaabtanka Labada Heer Ee Federaalka:

Nidaamka Federaalka ah wuxuu ku dhisan yahay mabaadii dhaqangal ka ah dalalka ku dhaqma nidaamka Federaalka waxaana ka mid ah mabda’a ismaamulka madaxabannaan (Dowlad Goboleedka – Self-Rule) iyo mabda’a maamulka la wada leeyahay (Dowladda Federaalka – Shared-Rule).

Maadaama labada heer dowladeed ama maamul ay yihiin kuwo garbo siman ah marka laga fiiriyo awoodo iyo mas’uuliyado badan oo aan la kala qeexin, ayuu Dastuurka kummeelgaarka ahi waxa uu siiyey kaalinta isku haynta (Ilaalinta Nidaamka Federaalka) labada heer dowladeed Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga ayaana la xisaabtan ku leh Dowladda Federaalka isaga oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada xaga sharcidejinta iyo korjoogteynta sida ay qeexayaan Qod.61aad (3), Qod.71aad iyo Qod.77aad ee Dastuurka Kummeelgaarka ah kuwaas oo si cad u dhigaya in Aqalka Sare uu matelayo danaha Dowlad Goboleedyada isla markaasna uu kula xisaabtamayo Xukuumadda Federaalka.

Gebogebadii, waxa waajib dastuuri ah in Xukuumadda Federaalku iyo Dowlad Goboleedyadu ay si joogto ah u yeeshaan wadashaqeyn iyo iskaashi dhow sida ay xeerinayaan Qod.50aad iyo Qod.51aad ee Dastuurka kummeelgaarka ah.

W/Q:  Abshir Maxamed Axmed. 

AFEEF: Qormadani waa fikrad aniga ii gaar ah kumana metelo Aqalka Sare iyo Guddoonkiisa, waxaan rajeynayaa in Qormadan ay waxtar u yeelan doonto dhammaan inta dooneysa in ay fahmaan awoodaha dastuuriga ah ee ay kala leeyihiin Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW