U bood dhigaalka

Shacabka Garoowe Oo Dhaliil Loo Jeediyey

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ku eedeeyey shacabka ku dhaqan magaaladaasi iney kaalin ka qaataan nadaafad darrida ka jirta magaaladaasi.

C/rashiid Ciise oo ah agaasimaha arrimaha bulshada dowladda Hoose ee Garoowe oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay iney jiraan shacab caadeystay in ay qashin kusoo shubaan xaafadaha dhexdooda ah.

Wuxuu tilmaamay in xilliyada roobka ay ugu daran  tahay, oo shacabkuna aaney u dhaqmeyn in magaalada ay tahay mid caasimadda Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka waxay sameeyaan qashin intey kasoo qaadaan guryahooda ayeey laamiyada soo dhigayaan, waana dhibaato aad u badan, waxa loo baahan yahay waxay tahay in  la helo dad ka wada shaqeeya nadaafadda, dadka qaar carro tuur ayeey sameysanayaan markaas bay biyahii roobka ku hoorayaan meel shacab deggan yahay” ayuu yiri Agaasimaha.

Ugu dambeyn agaasime C/rashiid Ciise ayaa ugu baaqey guud ahaan guud ahaan shacabka magaalada Garoowe iney ka shaqeeyaan nadaafadda, wuxuuna ku goodiyey in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo xadgudub sameysa.

Goobjoog News