U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Kormeeray Xaaladda Shacabka Ku Nool Xudur

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kamid ah wasiirada maamulkaasi ayaa maanta oo Sabti ah waxay tageen degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ulajeedka socdaalkiisan lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda shacabka ku nool degmada Xudur oo la il darnaa xaalad dhanka nolosha ah iyo sidoo kale la kulanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee halkaasi ku sugan.

Maxamed Macallin oo ah guddoomiyaha degmada Xudur ayaa u sheegay Goobjoog News in arrimaha ay kala hadleen Shariif Xasan ay ugu weyneyd sidii gurmad u heli lahaayeen shacabka ku dhibban degmada Xudur.

“Madaxweynaha waxaan u sharaxnay halka ay marayso xaaladda guud shacabka abaarta ku hayso degmada, waxa uu ballanqaadey in degdeg loogu soo gurmanayo shacabka Xudur” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Shariif Xasan ayaa dhanka kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed wuxuu kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, maadaama dhowaan ay ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Goobjoog News