U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Loo Ogolaaday Inuu u Istaago Doorashada Madaxweyne Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ay u ogolaadeen inuu noqdo musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu horreyn baarlamaanka maamulkiisa waxa uu ka dalbadey taageero ku aadan iney u ogolaadaan inuu kamid noqdo xubnaha isku soo sharaxaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

“Shacabkii Koonfur Galbeed ayaad mataleysaan, waxaana idiin ku imid inaad ii ogolaataan inaan kamid noqdo musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee sanadkaan, waxaan rabaa in isbedallo badan aan keenno, Koonfur Galbeedna wax badan baan la qaban doonaa haddii aan guuleysto” ayuu yiri Shariif Xasan.

Ugu Dambeyn cod gacan taag ah oo xilidhibaannada Koonfur Galbeed u qaadeen Shariif Xasan ayeey ugu ogolaadeen si aqlabiyad leh inuu noqdo musharrax Madaxweyne.

Shariif Xasan ayaa sanadkii 2012-ka waxa uu kamid ahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya, inkastoo aanu ka qeybgalin.

Goobjoog News