Shariif Xasan Oo Sheegay In Dhowaan Mamulkiisa Ku Shaqeyn Doono Degmada Baraawe, Sh/hoose

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ka mid ahaa wafdiga wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi.

Maamulka magaalada Baraawe iyo shacab badan ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha, waxaana intaasi kadib loo galbiyey madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaana mar uu madaxweynaha saxaafadda la hadlay uu sheegay in dhawaan lagu shaqo billaabi doono magaaladaasi maadaama ay xarun u tahay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in wasiirada, xildhibaannada iyo dhammaan maamulkiisa ay si rasmi ah uga shaqo billaabayaan Baraawe.

Sidoo kale waxaa socda qorsheyaasha lagu dhisayo garoonka diyaaradaha degmada Baraawe iyo sidoo kale dekadda degmadaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW