U bood dhigaalka

Shariif Xasan: Wey Socdaan Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana lasii xoojin doono.

Waxa uu tilmaamay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii uu u dardargelin lahaa howlagallada lagu baacsanayo Al-shabaab, isaga oo rajo ka muujiyey in waqtiga dhow ay Al-shabaab ka saaraan deegannada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa dhanka kale sheegay iney socdaan howlaha horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed sida dib u dhiska waddooyinka iyo arrimo kale.

“Waxaa socda dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaan rabnaa inaan nimankaan ka xoreyno deegaannadeena, ciidamada Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ah ayaa howshaasi wada, sidoo kale waxaa socda dib u dhiska waddooyinka muhiimka ah ee Koonfur Galbeed, annaga waxaa inaga go’an inaan bulshadeenna wax u qabanno’ ayuu yiri Shariif Xasan.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa ka hadlay wabiga Shabelle ee mararka qaar ku fataha deegaannada gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna sheegay in ay wadaan qorsheyaal badan oo loogu diyaar garoobayo inuu fatahaad sameeyo wabiga.

Goobjoog News