U bood dhigaalka

Sheekh Shaacir Oo Ku Guuleystay Kursigii Lagu Celiyay Ee Koofur Galbeed

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya koofur galbeed ayaa sheegaya in Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed uu ku guuleystay kursiga lagu celiyay ee deegaankaas.

Sheekh Shaacir oo helay 34 cod, waxaa uu ka adkaaday Mukhtaar Xasan yarow oo 16 cod helay iyo Xaliimo Maxamed Cabdi oo cod la’aan goobta ka tagtay.

Kursigan ayaa ka mid ahaa 5 kursi oo ay celiyeen guddiga khilaafaadka, arrinta  cusub waxaa ay tahay in kuraastii la celiyay ay dhammaan guuleysteen dadkii horey ugu guuleystay.

Goobjoog News