U bood dhigaalka

Shil Gaari oo ay Dad Ku Dhinteen oo Saaka ka Dhacay Wadada u Dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera

Sheeko:Dalka

Afar qof ayaa ku dhintay Saddex kalena way  u dhaawacmeen shil baabuur oo gaari noociisu  NOHA yahay oo  rakaab ahaa uu ku galay deegaanka Abdaal ee u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa .

Shilkan oo saaka aroornimadii hore dhacay ayaa ka dhashay ka dib markii baabuurka NOHA-da ahi  ay isku dhaceen baabuur kale oo  xamuul ah  oo ku rarnaa cawska xoolahu daaqaan, isku dhacan laba gaari ayaa sababay in baabuurkii NOHADA ahaa uu ka baxay wadadii laamiga ahayd dhibaatana ay halkaa kasoo gaarto dadkii gaariga saarnaa, iyadoo baabuurkani oo ka tagay magaalada Hareysa uu ku socday magaalada Berbera.

Dhammaan dadka dhibaatadu ka soo gaartay shilka waxay ahaayeen dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaariga Nohada ah .

Todobadan ruux ee waxyeeladu ay soo gaartay oo darawalkiina ku jiro ayaan wali aan la kala saarin inta rag iyo dumar ay kala ahaayeen  waxaana dadkaasi dhammaantood  loo gudbiymey cisbitaalka guud ee magaalada Berbera.

Jidka isku xira Hargeysa iyo Berbera; ayaa ah kan ugu badan ee shilal noocan oo kale ah ka dhacaan, waxaana loo aaneeyaa jidka oo aan wanaagsanayn isla markaana  ciriiri ah oo aan ku fillayn in baabuurtu si waafi ah isku dhaafto.

Goobjoog News