U bood dhigaalka

Shir ka furmi lahaa degmada Garbahaareey oo la sheegay in uu saameyn ku yeeshay khilaafka Madaxda dalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GarbahaareeyErgada ka qeyb galayso shir la filayo in dhawaan uu ka furmo degmada Garabahaareey ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegay in furitaanka shirkooda saameyn uu ku yeeshay khilaafka ka dhex aloolsan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Maxamed Aadan Cali oo ah Afhayeenka shirkaasi ayaa sheegay in Laba Arin ay keentay in uu shirkooda dib u dhaco, waxaana uu ku kala sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood oo la filaayay shirka in ay furaan ay aad ugu mashquulsan yihiin khilaafka jira iyo in uu yaraaday duulimaadkii Gedo ee diyaaradaha ah.

Shirkaan ayuu sheegay in ay furi doonaan marka uu meel u dhaco mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Magaalada Gabahaareey waxaa horay uga dhacay shir loogu magac daray Midnimo Kow, waxaana la filayaa in dhawaan uu furmo wejiga Labaad ee shirkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.