U bood dhigaalka

Shirkadda Whatsapp oo doonaysa inay Like ku soo kordhiso adeegeeda.

Luuliyo 16, 2015

Adeega fariimaha deg dega ah ee Whatsapp ayaa hadda waxa uu tijaabo ku wadaa sidii uu u  soo kordhin lahaa laba adeeg oo cusub, laakiin aad mooddo inuu ka soo qishay ama uu kaga dayanayo barta kale ee ay bulshadu ku xiriirto ee  Facebook-ga .

Waxaanay shirkaddu tijaabo ku haysaa inay soo kordhiso adeega Like sawiradda ay is dhaaf sadaan dadka adeegan Whatsapp-ka isticmaala.

Ilhan Bekta” ayaa waxa uu ku soo qoray bartiisa Towitterka in shirkadda Whatsapp ay soo kordhinaysay adeega Like, waxaanse wali la soo saarin qaabka ay u ekaan karto oo hor dhac ah.

Waxaan warbixintan  lagu soo daabacay Mareegaha  Alarabiyah.