U bood dhigaalka

Shirkii Lagu Dhammeystiri Lahaa Heshiikii Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Dib u Dhacay

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgduud ayaa waxay sheegayaan in uu dib uga dhacay maanta shirkii lagu madalsanaa in lagu dhammeystiro heshiiskii Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca.

Sidey ogaatay Goobjoog News, shirkaan ayaa u dhacay maalinta berri ah, sababo la xiriira in la xalliyo khilaafaad hoose oo ka jira beelaha Galmudug qaarkood.

Waxaa degmada Dhuusamareeb ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo badan.

Dec 6 2017, magaalada Muqdisho waxaa heshiis ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale maamulka Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News