U bood dhigaalka

Siyaasi Ku Dhaliilay Madaxweynaha DFS Qaabkii Uu u Wajahay Muranka Jabuuti Iyo Eritrea

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa madaxweynaha qaranka ku dhaliilay qaabka uu u wajahay muranka Jabuuti iyo Eretria.

Siyaasi Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo kamid ah musharixiintii u tartamay xilka madaxtinimo Soomaaliya sanadkii 2017 ahna guddoomiyaha xisbiga dadka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan Jabuuti iyo Eretria.

Wuxuu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya laga doonayay in Jabuuti ay xaalkooda soo xooraansato oo madaxweynuhu hadduusan tagi karin uu ergo u dirsado.

“Kolley waxay ahayd in walaalaheenna Jabuuti xaalkooda lasoo ogaado xitaa madaxweynaha uu ergo u diro si ugu yaraan isaga oo aan cidna wax u dhimin safarkiisa usoo dhammeysto ama uu Eretria kala hadlo arrimaha jira” ayuu yiri Saciid.

Sidoo kale, Dr Saciid ayaa sheegay in siyaasadda gudaha Soomaaliya oo la hagaajiyo ay muraayad u noqon karto tan arrimaha dibadda.

Jabuuti ayaa carro iyo walaacba ka muujisay safarkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dabayaaqadii bishii tagtay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretria maadaama uu kala dhaxeeyo muran xagga dhulka sohdinta ah.

Goobjoog News