U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ka Digay In Labo Maamul Looga Dhawaaqo Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Hiiraan kuwooda ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa ka digay maamullo isbarbaryaac ah in looga dhawaaqo magaalada gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Siyaasiyiintani ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadanayso masuuliyadda ah wixii dhibaato ah oo labadaasi gobol ka dhaca, iyadoo shalay Baladweyne looga dhawaaqay in maamul goboleed gaar ah loo sameynayo.

Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo ah siyaasi ku sugan Baladweyne ayaa mar uu la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in shacabka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe aan la jahwareerin.

“Dowladda ayaa qaadanaysa masuuliyadda haddii labo maamul looga dhawaaqo labada gobo lee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe maxaa yeeshay howsha maamul u sameynta iyada ayaa iska leh” ayuu yiri siyaasigaas.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in tallaabada duubabka dhaqanka ay qaateen ay wanaagsan tahay oo maamul ay ku dhisanayaan haddii buu yiri dowladdii dhexe ay wax isla keeni waayeen.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa weli ku sugan qaar kamid ah ugaasyada gobolkaasi oo diidan howsha ka soconaysa magaalada Jowhar ee lagu dhisayo dowlad goboleedka labada gobol ay wada leeyihiin.

Goobjoog News