U bood dhigaalka

Somaliland: Dabley Hubaysan oo Habeenimadii Xalay Nin Ku Toogtay Duleedka Burco

Sheeko:Dalka

Deegaan dhinaca duleedka bari kaga toosan magaalada Burco ee gobolka Togdheer  ayaa habeenimadii Xalay dablay hubeysani ku dileen Nin lagu magacaabi jiray Axmed Hure.

Waraarka aan ka helayno deegaanka Godorka ee duleedka magaalada Burco kaga toosan dhinaca bari ayaa lagu soo waramayaa in dabley hubaysan oo aan haybtooda la garneyn ay ku dileen nin rayid ah deegaankaas, kaas oo lagu macaabi jiray Axmed Hure oo deegaanka socoto ku ahaa, ninkan ayaa dableydu si toos ah u toogteen oo ay xabado ugu fureen,  taas oo keentay in isla markiiba uu ku geeriyoodo goobtii lagu toogtay. Dilka kadib ayaa lagu soo waramayaa in goobtii uu ka bilowday iska hor imaad u dhexeeya beelo horey ugu dagaalamay Duleedka Burco.

Ciidamada Booliska magaalada Burco iyo kuwa gobolka Togdheer oo dhacdadan kadib degaanka gaaray ayaa soo qaaday maydka iydoo aan la aqoonsan dableydii dilka geysatay iyo Sababta dilka ka dambeysa toona.

Goobjoog News