U bood dhigaalka

Somaliland oo Soo Saartay Wareegto Lagu Joojinayo Caleemo Saarka Madax Dhaqameedyada Cusub

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku mamnucayso caleema-saarka madax dhaqameedyada cusub  nooc kastaba ha ahaadee, waxaana go’aankani uu jirayaa illaa inta ay wasaaraddu fasax bixinayso.

Qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon ayaa lagu sheegay in wasaaraddu hakisay guud ahaan caleemo saarka madaxda dhaqanka ay beeluhu is kood u magacawdaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisan ku sheegay iney wasaaradda oo iyadu diiwaangelinta madaxda dhaqanka beelaha u xilsaaran mushaarkooda, iyadoo shaqadooda  ay ugu weyn tahay nabadaynta iyo xallinta khilaafyada soo kala dhex gala beelaha. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay inay dib u fiirin doonaan hawlaha  ay Somaliland u qabtaan madaxda dhaqanka ee hadda sharciyeysan .

Isla sannadkan 2016 intii lagu guda jiray  waxa xukuumaddu hakisay  ilaa saddex oday dhaqameed kuwaasi oo  muran ka dhex-dhaliyey beelaha ay ka soo jeedaan ka dib markii ay wada tartameen madax dhaqan oo kale oo isku beel ay yihiin, waxaa iyaguna jiraa beelo dhawr madax dhaqameed leh .

Halkan Hoose ka Akhriso Wareegtada

amarka wasaarad arrmaha gudaha

Goobjoog News