Soo Celinta Xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kan Imaaraadka oo Laga Shiray
Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuun Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaawaxaa diiradda lagu saaray soo ceelinta xirirka walaltinimo ee labada dal. Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladdiisa in ay diyaar u tahay Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha golaha.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heeyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo kan dowladda Imaaraadka carabta.
Goobjoog News