U bood dhigaalka

Sool: Urur Mideeya Saxafiyiinta Gobolka Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Sool Media Association ayaa noqonaya urur cusub oo maanta ay ku dhawaaqeen Saxafiyiinta ka howlgala  gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, arrintaasi oo timid kadib shir ay saxafiyiinta halkaa ku yeesheen.

Faysal  Jaamac Aadan ayaa sidoo kale goobta loogu doortay in uu noqdo guddoomiyaha ururka, halka xogheyaha ururkaasi loo dootay Cabdiraxmaan Cali Ducaale iyo dhaqaalaha ururka Mowliid Haradigeed.

Ururkan xubin kama aha Map, Solja iyo Nusoj  midna,  waxaa uu guddoomiyahooda horay u ahaan jiray gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland Ee Map Sanadadii 2008 ilaa 2013, waxaa kaloo uu agaasime ka noqday Radio Laascaanood.

Faarax Maxamud Dubad Oo Goobjoog News gobolkaas uga soo waramaya waxaa uu sheegayaa in ururkan uu yahay kii ugu horeeyay ee gobolka laga sameeyo kaas oo ay ku mideysan yihiin dhammaan saxafiyiinta gobolka.

Lama oga wax uu ku soo kordhin doona u doodista xuquuqda saxafiyiinta iyo ilaalinta madaxbanaanida Saxaafadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News