U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Sheegeysa In Dacwaddii Badda Ee Kenya Ay Weli Socoto

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay Dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamigaah ee Hegue.

Sida ay qortay SONNA Amb; Cawad ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Goobjoog News