U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Xoolo u Dhoofisey Yemen Iyo Cumaan

Sheeko:Dalka

Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhoofiyey 2,400 (Labo Kun Iyo Afar Boqol) oo Lo ah, kuwaasi oo kusii jeeda dalalka Yemen iyo Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa loo dhoofiyey  1,900 (Kun Iyo Sagaal Boqol) oo neef, waxaana markabka uu geyn doonaa dekadaha ku yaalla dalkaasi.

Sidoo kale dalka Yemen waxaa isna loo dhoofiyey 500 lo ah (Shan Boqol oo lo ah) waxaana qaadey dhammaantood maraakiib ganacsi oo xoolaha loogu talogalay.

Xoolahan la dhoofiyey ayaa dhammaantood ah kuwo caafimaadkooda la tijaabiyey, iyadoo tani ay ka dhigan tahay in xoolaha Soomaaliya ka baxa dhammaantood yihiin kuwo tijaabo caafimaad mara.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhowaan sheegtay iney joojisey xoolihii ay ka qaadaneysay Soomaaliya,  kadib markii ay sheegeen in Lo badan oo dalkooda la geeyey ay ka heleen cudurka ku dhaca lo’da.

Goobjoog News