U bood dhigaalka

Sooyaalkii Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Maanta waxaa magaalada Baydhabo lagu doortey madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana xilkaasi loo doortey Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Hadaba Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyo madaxweynayaal kala duwan, waxaanan halkani kusoo koobeynaa sooyaalka Koonfur Galbeed.

March 1995 waxaa la dhisey Golihii Sare ee Digil-Mirifle

13 October 1995: Waxaa lagu dhawaaqay jabhaddii Rahanweyn Resistance Army (RRA).

May–August, 2000, Markii la dhisay dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad Xassan , waxaa lasoo afjaray jiritaankii Jabhadii RRA kadib marki hogaamiyeyaasha ay ku biirey dowladaasi.

Isla xiligaasi dowladdii shirkii Carte waxaa lagu soo heshiiyey in dowladdii la dhisey la dajiyo oo xarun looga dhigo magaalada Baydhabo, balse markii Cabdiqaasim uu kasoo dagay Muqdisho ayaa waxaa dowladda ka baxay Xassan Nuur Shaati Guduud.

2002 Waxaa uu muran soo kala dhex galay RRA, Garabkii Shaati Gaduud ee raacay isbahaysigii ay ku mideysnaayeen hogaamiye kooxeedyda ee (SRRC) iyo ku xigeenadiisii Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade kuwaasi oo aaday dhanka dowladdii kumeelgaarka ahayd, xili Shaati Gaduud iyo Cabdiqaasim ay isku dhacsanaayeen.

April 1, 2002, Maamul Gobeed ayuu halkaas ka dhisay, oo markii dambe iska baaba’ay markii uu Xildhibaan noqday November 2004.

Sidoo kale waxaa uu ma kid noqday Xukuumaddii Cali Gedi, isagoo noqday Wasiirka Maaliyadda TFG-da January 2005.

February 26, 2006: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Baydhabo markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya.

Colonel Xassan Nuur Shaati Guduud ayaa ahaa dadkii ugu cad cadaa ee fikirkan ka guuxayey muddo dheer, waxaa uu ahaa madaxa RRA.

December 2, 2007, Waxaa uu Xukuumadii Nuur Cade ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka.

Markii Soomaaliya ay ka baxday KMG, September 2012-kii, waxaa dib usoo noolaaday fikirkii Maamul u sameynta Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

December 2013 ayaa waxaa bilowday in la arinsado sidii Maamul Goboleed loogu sameyn lagaa Koofur Galbeed.

Waxaa Baydhabo lagu qabtay labo shir ayaa is garab socday, shir uu hormuud u ahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan oo qabay fikirka in maamulka lagu saleeyo sedex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada oose iyo Oday dhaqameed waday fikir ah lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Shabeelada Hoose, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubba Hoose.

3 March 2014, Madobe Nunow ayey odayaashii u doorteen Madaxweynaha shirkii lixda gobol, Wasiirkii Federaalka iyo arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku tilmaamay natiijada shirkaasi iyo doorashada dhacday waxba kama jiraan.

27 March 2014, shir Baydhabo ku yeesheen wufuud lagu sheegay 733 ayaa Madaxweynaha sedexda gobol u doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur.

30 March 2014, Waxaa Baydhabo tagay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud si uu u dhex dhexaadiyo, laakin arinkaas natiijo la’aan ayuu noqday.

Jun 23, 2014: Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya e Muqdisho ayaa heshiis buuxa lagu kala dhex dhigay Maamuladii lixda iyo saddexda Gobol ee Koofur Galbeed looga dhawaaqay magaalada Baydhabo, iyadoo wada hadaladan oo muddo soo socday ugu dambeyn lagu guuleystay in hal maamul la isugu keeno oo ah saddex gobol.

Munaasabada ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaasoo soo dhoweeyay heshiiskan, waxaa tilaabadaas soo dhaweeyay Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Yurub, IGAD, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, iyo dowladda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay C/fataax Ibraahim Geesey oo ka socday Maamulka lixda Gobol iyo Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) oo isna ahaa Madaxweynihii Maamulka saddexda gobol

Heeshiiskaan buuq ayaa ka dhashay, Madoobe Nuunow iyo beelo kale oo ka gadooday in shabeelo dowladda ku daro maamulka Koofur Galbeed diidanaa.

September 2014, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa booqday Baydhabo si ay ugu gogol xaaraan maamulka mideysan.

Koonfur Galbeed SoomaaliyaUgu dambeytii, Maalin Isniin ah , October 27th, 2014 waxaa furmay Shirkii Maamul usameynta 3 Gobal ee Koonfur Galbeed, Talaado, Oktoobar 28, 2014 waxaa tagay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si uu sii wada dadaalka maamul u sameynta.

31.October.2014: Shir gudoon ayaa loo doortey shirka sedexda gobol Koonfur Galbeed.

Axad, November 02, 2014 Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Ibraahim Yaroow Isaaq iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, C/llaahi Xuseen Cali ayaa Raiisalwasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ugu yeeray inay wasiirrada Muqdisho kusoo laabtaan, wasiirradan oo u xilsaarnaa dowladda dhismaha maamulka lagu dhisayo Baydhabo.

November 7, 2014 : Dastuurka KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la ansixiyay

10.November 2014 Madaxda sare ee dowladda oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in la hakiyay shirka Koonfur Galbeed ee Baydhaba.

Nofeembar 16, 2014 : Waxaa loo fariistey kulankii kama dambeysta ahaa ee lagu dooranayay madaxweynaha maamulka, waxaana khudbado jeediyey musharixiinta oo dhanaa 5 musharax, kalana ahaa Siyaad Sheekh Daahir, Maxamed Xassan Cadoow, Maxamed Xassan Fiqi, Aabo Awoow Suufi Cafaan iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan

Nofeembar 17, 2014 : Waxaa madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortey Shariif Xassan Sheekh Aadan kadib markii musharixiintii kale ay ka tanaasuleen musharaxnimadooda, Shariif Xassan waxa uu heley 373 cod, 15 cod ayaa diidey, 8na waa ka aamustey.

Goobjoog News