U bood dhigaalka

SOSCENSA: Waxaa Jirta Habab Badan Oo Loogu Gurman Karo Shacabka Abaartu Ku Hayso Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay inay jiraan habab badan oo loogu gurman karo dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ku nool qaar ka mid ah gobollada dalka .

Waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay in loo gurmado dadka ku nool goballada ay ka jirto abaarta oo dadka qaar la soo sheegayo inay u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan.

Isagoo ka qeyb galayay barnaamij gaar ahaa oo Goobjoog ay qabatay loogana hadlayey abaaraha dalka ka jira ayuu sheegay in ururrada bulshada ay kaalin fiican ka qaadan doonaan sidii loogu gurman lahaa dadkaasi dhibaateysan.

Gudoomiyaha SOSCENSA waxa uu sheegay sidoo kale in dowladda Federaalka Soomaaliya xilligaan ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii loogu gurman lahaa dadkan Soomaaliyeed iyo sidoo kale is abaabul la sameeyo.

“Waxa ugu daran hadda waa biyo la’aanta jirta, hadii aanu roobka waqtigiisa ku imaan musiibo weyn ayeey keeni kartaa, midda kale abaabul waa la sameyn karaa dadka Soomaaliyeed waa kuwo wax bixinta ku wanaagsan, mas’uuliyadda ugu weyn dowladda Federaalka ayeey saaran tahay ha itaal darnaato ama yeeysan itaal darnaan, arrintaan oo kale adduunyada ayeey muwaacino weydiisan kartaa, dowladda Federaalka waxa looga fadhiyo ma ahan in lacag ay miiska dhigto laakiinse abaabul weyn bay sameyn kartaa waana mid aan laga leexan karin mas’uuliyadda saaran dowladda Federaalka, hay’adaha samafalka badanaa xilligaan oo kale hadda kadib ayeey mashaariic kale qorayaan, waxaa laga yaabaa inay soo diyaar garoobaan waqtiga ay isku tashadaan shacabka Soomaaliyeed, cid walba ha qaadato mas’uuliyadda ka saaran u gurmashada dadkani, waana la sameyn karaa gurmad micno leh,” ayuu yiri Shirwac.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka tani usii dheer Wabigii Shabelle oo guray iyo biyo la’aan baahsan oo jirta.

Goobjoog News