U bood dhigaalka

Syria: Magaalooyin Afar Ah Oo La Daad Gureyn Doono Dadka Ku Nool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya waddanka Syria ayaa waxay sheegayaan in la isla gaaray heshiiska ah in la daad gureeyo dadka ku nool afar magaalooyin  oo ga’doodsan ee Syria.

Ururka u dooda xaquuqda Syria ee Al-marsad ayaa sheegay in heshiiskaan uu u golaanaayo dadka ku nool magaalooyinka Al-Fu’ah, Kafriya in la daad gureeyo, magaalooyinkaan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Syria ee waqooyi galbeed ee waddankaas.

Heshiiskaan ayaa sidoo kale siinayo in si amaan ah oo ku baxaan sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka Syria eek u yaallo duleedyada magaalada Dimishqa, waxaana kamida magaalooyinkaas Madaya, Al-Zabadani.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka shacabka ah ee ku ga’doonsan afrataan magaalo inay gaarayaan ku dhawaad 60 kun oo qof, heshiiskan lagu bixinaayo dadkaan ayaa kooxaha mucaaradka iyo dowladda waxaa kala dhexdhigay wadamada Qatar iyo Iran kuwaas oo dhexdhexaadin ka ahaa.

Ha’adda bisha cas ayaa horay uga digtay bishii Janaayo ee la soo dhafaay in ay noqdaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira goobaha ga’doonsan  kuwo ka fog xaduuda bani’aadanimada.

Goobjoog News