U bood dhigaalka

Tilmaamaha Dowlad Nugeylka Dunida oo ay Soomaaliya Hogaaminayso Sanadkan 2016

Sheeko:Dalka

Tilmaamaha dowlad nugeylka Dunida ee sanadka 2016 ayaa la soo saaray, kaas oo lagu qiimeeyo xasiloonida bulshada, dhaqaalaha siyaasadda iyo militariga 178 dowladood, iyadoo kala sarreynta dowladaha lagu kala saaro dhowr tilmaame oo sheegaya kaalinta dawlad kastaa ay kaga jirto dunida dhanka dowlad nugeylka. warbixintan oo ay soo saartay “fundforpeace” ayaa Soomaaliya ay noqotay kaalinta koowaad ee dowladaha ugu Nugul(Jilicsan) dunida, halka dalka Finland ay noqtay tan ugu Nugeylka yar dunida.

Habka loo raaco qiyaaso tilmaamaha dowlad nugeylka Dunida

Tilmaamahan dowlad nugeylka dunida lagu qiyaaso ayaa loo eegaa dhowr waxyaabood oo lagu qiyaaso dowlad nugeylka, dowladda hesha dhibcaha ugu badan ayaa ah tan ugu nugul dunida uguna jilicsan, halka dowladda hesha dhibcaha ugu yar ay noqoneyso tan ugu wanaagsan dhanka tilmamaha nugeylka marka loo eego.

Dhibcaha la xisaabinayo ayaa waxaa lagu saleeyaa 12 tilmaame, iyadoo dowlad kastaa ay ka helayso tilmaame kasta dhibco u dhexeeya 0-10,  dhibcaha ugu badan ee ay dowladi qaadato waxa uu noqoneyaa 120 dhibcood.

12-ka  tilmaame ee lagu qiyaaso dowlad nugeylka:

-Cadaadiska deegaanka ku saleysan

-Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gudaha.

-Koboca dhaqaalah ee aan si siman ku socon.

-Cabaashooyin Wadareedka bulshada.

-Dadka Aqoonta leh ee dalalka shisheeye u shaqo doonta.

-Faqriga iyo Dhaqaale xumada.

-Sharciyadda dowladda.

-Adeegyada dowladda.

-Xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharciga.

-Hay’adaha Ammaanka.

-Kala qeybsanaanta Waxgaradka.

-Faragelinta Dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa dowladaha Dunida ee ugu nugeylka badan iyadoo tilmaamahan ay ka heshay gaaraya illaa 114 dhibcood, iyadoo kaalinta 2aad ay soo gashay Konfurta Suudaan oo heshay 113.8.

10-ka dowladood ee ugu Nugul dunida

Somalia

South Sudan

Central African Rep.

Sudan

Yemen

Syria

Chad

Congo(D.R)

Afghanistan

Haiti

 

dowlad-nugeylka

10-doladood ee ugu Nugeylka yar Dunida.

Canada

Sweden

Ireland

Australia

Switzerlanad

Denmark

New Zealand

Norway

Finland

dowlad-nugeylka1

Si kastaba, burburkii dalka kadib oo hadda laga joogo muddo rubuc qarni  ku dhawaad ah ayaa dunid aan u noqonay tusaale aan wanaagsaneyn, iyadoo tilmaame kasta oo dunida ugu liita dhanka dowladnimada ay Soomaaliya hoggaamineysaa.

Goobjoog News