U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadaha Madaxda Iyo Marti Sharafka Ka Soo Qeb-galay Caleemo-saarka Farmaajo

Sheeko:Dalka

Waxaa Goordhaw soo dhammaaday xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka socotay garoonta Aden Cadde.

Xafladda waxaa ka soo qeyb-galay labadii madaxweyne ee Farmaajo ka horreeyay, guddoonka labaqa aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanno, wasiirro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa xafladda ku sugnaa sida la sheegay illaa 124 dal wufuud ka kala socota, waxaana ka mid ahaa:Madaxweynaha Djabuti: Ismacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya: Uhuru Kenyata, Ras’iaul wasaaraha Itoobiya: Heile Mariam Desleign, ergey ka socday madaxweynah Suudaan, Wasiirka arrimaha dibadda ee Tanzania Augustine Mahiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika: Xamdi Sanad, wakiilka xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta Khalif ibrahim, ergeyga Jaamacadda Carabta: Maxamed Cabddalla Idris, Wakiilka qaramada midoobay Mechael Keating, Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya Madeira, Ambassador Stephen Schwartz oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ergey ka socday madaxweynaha Turkiga Kamaludin Kani Torum iyo safiiro kale

Khudbadaha xafladda laga soo jeediyay, hambalyada ka sokow, waxaa wehliyay in madaxda iyo dalalkaas ay ballan-qaadeen in ay garab istaagayaan dowladda Farmaajo.

Qaramada Midoobey: Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay ergeyga gaar ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Mechael Mechael isagoo Soomaalida, AMISOM ugu hambalyeeyay doorashada qaabka ay u dhacday, waxaa uu ballan-qaaday in dowladda ay gacan siin doonaan, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay far kaligeed fool ka dhaqdo.

Midowga Afrika: Ambassador Madeira oo ah ergeyga gaar ah ee midowga Afrika, waxaa uu ku dheeraaday sida Farmaajo uu qeyb uga ahaa nabadda Muqdisho markii uu ra’isul wasaaraha, soona celiyay ciidamada qalabka sida iyo Booliiska, waxaa uu u mahadceliyay AMISOM. Madeira waxaa uu ballan-qaaday in AMISOM ay mar walbo garab taagan tahay.

Midowga Yurub: Alex Rondos waxaa uu ku bilaabay, in maanta ay tahay maalin Soomaaliyeed, Alex waxaa uu Soomaalida u xusuusiyay in Yurub ay dhibka uga baxday wada shaqeyn iyo is aaminid, haddii taasi ay dhacdo Rondos waxaa uu leeyahay Soomaaliya ayaa caawin doonto Yurub.

Jaamacadda Carbta: ergeyga xogheyaha guud ee jaamacadda Carabta Khalil Ibrahim waxaa uu Soomaalida ku ammaanay sida sadex madaxweyne ay hal meel u istaageen oo ay isugu hambalyeeyeen, waxaa uu sheegay in labo arrin ay soo jiiteen, doorashada madaxweye heysto taageerada gudaha iyo dibadda iyo dimoqoraadiyadda aad ku dhiseysaan, Soomaaliya ha noolaato ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Itoobiya: Heile Mariam Desleign, waxaa uu sheegay in Soomaalida ay taariikh dhigeen, waxaa uu ka hadlay in Soomaalida uun ay go’aan ka gaari lahaa mustaqbalkooda, waxaa uu Farmaajo ku bogaadiyay doorashada isagoo ballan-qaaday in isaga iyo shacabkiisa ay garab istaagaan sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa. Desleign waxaa uu Soomaalida ku taliyay in ay noqdaan mid xagga wanaagga u socota, waxaa uuna u hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo.

Kenya: Uhuru Kenyata: Madaxweynaha Kenya waxaa uu xafladda ka sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacday ay tahay doorasho lagu faano, waxaa uu ku dheeraaday sida isaga iyo dowladdiisa ay xiriir soke ula yeesheen Soomaalida, Kenyatta waxaa uu Farmaajo u sheegay in shacabka ay rajo weyn ka qabaan, isla markaana laga sugayo in uu wax ka qabto dhibaatooyin ay ku jiraan abaaraha iyo argigixisada, waxaa uuna ballan-qaaday in ay taageeradaas iyo garab istaagaas ay sii wadaan.

Djabuti: Madaxweynaha dalka Djabuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxaa Farmaajo u sheegay in lagu han-weyn yahay, loona baahan yahay in Soomaaliya ay dib u hanato sharaftii, kaaramdii iyo cisadii ay dunida ku laheyd, waxaa uu sidoo kale shacabka kula taliyay in ay garab istaagaan madaxweynaha Soomaaliya.

Mareykanka: safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz waxaa uu ka hambalyeeyay doorashada dimoqoraadiyadda ee dhacday iyo sida xil wareejinta u dhacday, isagoo ballan-qaaday in Mareykanka uu garab isataagayo madaxweynaha cusub Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Turkiga: Kamaludin Kani Torum oo safiirkii hore ee Turkiga, haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Turkiga, sheegana in uu wakiil u yahay madaxweynaha Turkiga Erdogan waxaa uu ka sheekeeyay isbadallada ka dhacay Soomaaliya muddii uu joogay illaa hadda, isagoo sheegay in hadda xaaladda ay ka fiican tahay 2-badii sano ee uu joogay, waxaa uu ballan-qaaday in shacabka iyo dowladda Turkiga ay mar walba garab istaagayaan umadda iyo dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud iyaga oo  Farmaajo ugu hambalyeeyay xilka, Sharif waxaa uu ballan-qaaday in uu la shaqeyn doono Farmaajo halka Xasan Sheekh uu kula dar-daarmay madaxweynaha cusub in uu dhameystiro qabyada uu ka tagay.

Ugu dambeyntii, waxaa xafladda soo xiray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynaha waxaa uu ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin: Amniga, abaaraha, dib u heshiisiinta, sareynta sharciga, kalsoonida shacabka iyo dowladda, wax ka qabashada saboolnimada iyo faqriga, Federalism-ka iyo xiriirka caalamiga.

Farmaajo waxaa uu sheegay in shaqada koowaad ka dhigan doono dhismaha ciidamada qalab-ka sida, isagoo arrinkaas la kaashan doona AMISOM, waxaa uu shacabka ka codsaday in aanay wax badan ka sugin oo arrimo gaar ah uu wax ka qaban doono si dowladaha ka dambeeya ay halkaasi ka sii ambaqaado.

Arrimaha dib u heshiisnta waxaa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono nabad ka dhalata magaalada Galkacyo oo dagaalo ay ka dhaceen muddadii ugu dambeysay.

Saboolnimada waxaa uu soo qaatay in 80% ay dadka faqri yihiin halka 70% ay dhalinyaro yihiin Soomaalida, waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe 3 sano ah oo dowladiisa ay ku shaqeyn doonto.

Federaalism-ka waxaa uu sheegay in uu la shaqeyn doono maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo sheegay in uu dhawaan booqan doono lana hadli doono maamullada iyo shacabka ku nool.

Farmaajo waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay in wadamada dariska ay kula shaqeyn doonaan labo arrin oo kala ah: Iskaashi iyo Ixtiraam, waxaa uu sheegay in uu sameyn doono wakaalad madaxbanaan oo ka shaqeyn doonta arrimaha maalgeshiga.

Goobjoog News