U bood dhigaalka

Turkiga Oo Markab Raashin Ah Ku Wareejiyey Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay Markab sida shixnad gargaar ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna kala wareegtay dowladda Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay wasiiru Dowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Xidig.

Xidig oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Gurmadkan raashiinka ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono  gobollada dalka ee hadda ay ka taagan tahay xaaladda Bini’aadannimo, iyo sidoo kale dadka ku sugan Muqdisho ee ee tabarta daran.

“Waxaad marqaati ka wada tihiin maanta inaynu la taagannahay Markabkii ay soo dirtay dowladda Turkiga, waan uga mahadcelinaynaa dowladaasi iyo shacabkeeda, safaaraddeeda dalka ku leedahay iyo hay’adda bisha cas waan u mahadcelinaynaa, waxaan rajeynaynaa in raashinkaan uu gaari doono dhammaan dadka Soomaaliyeed intii uu gaari karo, wasaaradda arimaha gudaha oo wakiil ka ah shacabka iyo dowladda Federaalka halkaan ayaan uga guddoonay raashinkan dowladda Federaalka iyo hay’addii keentay, waxaan rajeynaynaa in maalmaha soo aadan la dejiyo loona qeybiyo dadka u baahan, waxaan filayaa in raashinkan aan xoogga ku saari doonno inuu gaaro inta uu gaari karo dadka Soomaaliyeed haddii ay joogaan magaalada Muqdisho iyo gobollada iyo degmooyinka dalka, shacabka Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan sidii ay howshaasi loo fulin lahaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa gargaar bini’aadannimo dhowr jeer dalka u keentay, waxaana dowladdaasi lagu xusuustaa gurmadkii ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed sanadkii 2011 oo gobollada Koonfureed ee dalka abaar baahsan ka jirtay.

Goobjoog News