Twitter ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu soo kordhiyay adeeg cusub oo dad badan oo barta ku xiran ay muddo sugayeen, waxa uu kuu ogolaanayaa inaad tweets-ka kaydsato oo aad wakhti kale daalacato.
Adeeggan ayaa magaciisu yahay “Bookmarks” waxaana ka faa’ideysan kara oo uu u furan yahay cid kasta.
Habka aad u heli karto
Adeeggan cusub ayaad si sahlan ku heli kartaa markaad mobile-ka isticmaalaysid oo dhanka midig waxaa kaagaga muuqanaya astaantiisa oo ah fallaar kor u jeedda oo markii aad furto labo doorasho aad ku arkayso, waxaad dooraneysaa “Add Tweet to Bookmarks“, waxaana kuu suurtaggaleysa inaad mar Labaad akhristo tweet-ka aad kaydsatay.
-Markaad computer-ka isticmaaleyso waxaad aadaysaa “Mobile.twitter.com” kadib waxaa kuu suurtagal ah inaad si sahlan u isticmaasho adeeggan cusub.
Goobjoog News