U bood dhigaalka

Uganda: Waa In La Diyaariyaa Ciidan Soomaaliyeed Oo Bedala AMISOM

Sheeko:Dalka

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda oo isniintii booqasho sadex maalin ah ku yimid magaalada Muqdsho ayaa ku booriyey madaxda Soomaalida iney wax ka qabtaan arrimaha ammaanka.

Katumba Wamala waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay AMISOM ugala wareegaan amniga dalka.

Dhankiisa Cusman Nuurr Subagle, Taliyaha ciidamada AMISOM waxaa uu ballan-qaadeyn in AMISOM ay sii wedi doonto soo celinta amniga iyo kala dambeynta iyo iney si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya.

Lydia Wanyoto, Ku xigeenka midowga Afrika oo kulanka ka hadashay waxaa sheegtey in AMISOM habeen iyo maalin u soo jeedo nabadda, iyagoo ballan-qaadey in ay AMISOM la garab-taagan yihiin taageero dhan walbo ah si ay xilkooda u gutaan.

Wamala ayaa la sheegayaa in sidoo kale uu kullamo la yeeshay saraakiil UN-ka uu horkacyo ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey Michael Keating.

Goobjoog News