U bood dhigaalka

UN-ka: Weerarradii Dhowaa Waxaa Ay Caddeyn U Yihiin Awoodda Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Weeradada dhowaan lagu qaaday doomaha ganacsiga ee maraya xeebaha Soomaaliya waxaa ay caddeyn u yihiin in ay jirto khatarta burcad badeedda, sidaa waxaa yiri xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan Dambiyada ee loo yaqaano (United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC)).

Xafiiskan waxaa uu doomaha ugu baaqay in safarkooda ay ku wargeliyaan xilliga ay marinkaas isticmaalayaan maraakiibta dagaalka ee goobta joogta iyo  International Maritime Organization .

“ 3 weerar oo dhacday kadib 5 sano oo deganaashiyo ah, waxaa muuqata in burcad badeedda Soomaaliya ay dib u soo noolaanayaan, isla markaana ay doonayaan in ay weeraraan maraakiinta ganacsiga ee xeebahaas isticmaalah, sidaa waxaa sheegay agaasimaha hey’adda UNODC Yury Fedotov

Agaasimaha waxaa uu intaa raaciyay in beesha caalamka ay wax ka qabato burcad badeedda Soomaaliya.

Goobjoog News