U bood dhigaalka

UNHCR Oo Kenya Ka Heshay Balan-Qaad Ah In Qaxootiga Aan Loo Celin Doonin Si Qasab Ah

Sheeko:Dalka

Madaxa hay’adda qaxootiga adduunka Filippo Grandi ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagey xeryahaha qaxootiga ee Dhadhabaab tan iyo markii dowladda Kenya ay ku dhawaqday inay xireyso xeryahaas.

Filippo Grandi ayaa kala hadlay dowladda Kenya xal u raadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya jooga wuxuuna sheegay inay tahay in dib u celinta qaxootiga aysan noqon doonin mid jebisa shuruucda caalamiga ah ee dhinaca qaxootiga.

Booqashada  Filippo Grandi ayaa imaaneysa iyadoo Kenya ay ku dhawaaqday qorsheyaal ay ku xireyso xerada Dhadhaab taasoo hoy u ah qaxooti tiradoodu tahay 350,000 oo badankood ah qaxooti ka yimid dalka Soomaaliya.

Kenya yaa  martigelineysay xerada qaxooti ee ugu weyn adduunka in ka badan 20 sano waxayna illaa waqtigaas si joogto ah u soo dhaweyneysay qaxootiga ka imaanaya wadamada calooddu ka jirto ee Africa.

Kadib kulan uu la qaatay Filippo Grandi madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu soo dhaweeyey hubaal ahaanshaha in dalka Kenya uu u hoggaansami doono sumcaddii soo jireenka ahayd ee dalku lahaa taasoo uu ku tixgelin jiray xuquuqda qaxootiga.

“waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maqlo madaxweyne Kenyatta oo dhahaya weliba si adag xalka loogu raadinayo in dib loogu celiyo qaxootiga wuxuu noqon doonaa mid sharci ah oo u dhaca qaab nabadeed laguna tixgelinayo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ayuu yiri mr Filippo Grandi”

Filippo Grandi madaxa hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa xusay in hay’addaha caawiya qaxootiga ay wax badan qabteen laakiin aysan noqon mid daboosha dhammaan baahidooda wuxuuna ballanqaaday inay qaramada midoobay ay sii wadi doonto taakuleynta qaxootiga Soomaaliyeed.

Sanadkii 2013kii Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ayaa wada gaaray heshiis saddex geesood ah kaasoo lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab jooga inay billaabaan inay si iskood ah ugu laabtaan  dalkooda iyagoo tagaya sagaal goobood oo loo cayimay oo ku kala yaalla bartamaha Soomaaliya,  Puntland iyo Somaliland kuwaasoo ammaan ahaan degen waxaana illaa hadda ku laabtay Soomaaliya qaxooti gaaraya 14,000 kuwa kalena waa qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee qaxooti badan ayaa walaac ka muujinaya dib u celinta qaxootiga iyagoo sidoo kale sheegay inaysan jirin meelo ay seexdaan oo ka horreeya iyo wax ay ka ganacsadaan waxay sidoo kale ka walaacsan yihiin inaysan heli doonin waxbarasho iyo caafimaad ku filan.

Filippo Grandi ayaa soo jeediyey in laga caawiyo qaxootiga la celinayo dhammaan waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay u helaan nolol caadi ah.