U bood dhigaalka

Ururka Midowgga Culimada Oo Ugu Baaqay Hogaamiyeyaasha Islaamka Inay U Gargaaraan Qudus

Sheeko:Dalka

Ururka caalamiga ah ee midowga culimada  muslimiinta ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha dowladaha Islaamka kuwaasi oo maanta shir madaxeed degdeg ah ku yeelanayo magaalada Istanbul inay dajiyaan qorshe mideysan oo lagu xoreynayo magaalada Barakeysan ee Qudus.

Midowga hogaamiyeyaasha wadamada Islaamka ayaa waxay qabanayaan shir madaxeed looga arrinsanayo Qudus,  waxaana laga sugayaa inay dejiyaan Istiraatiijiyad si ay umadda Islaamka ay uga baxaan dhibaatooyinka ay la noolyihiin,  waxaana laga sugayaan hogaamiyeyaashaan qorshe lagu badbaadinayo laguna xoreynayo Qudus iyo Falastiin.

Shir madaxdeedka ka dhacaya Istanbul oo ah mid degdeg ah, waxaa ku baaqay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Goobjoog News