U bood dhigaalka

Ururka Qareenada Somaliland oo ka Hadlay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ee kala Qaadista Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Ururka qareenada Somaliland ee Solla ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray arrimaha kala qaadista doorashooyinka, iyagoo si buuxda u taageeray go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ee kala qaadista doorashooyinka.

Ururkan ayaa ujeedada war-saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu yahay mid shacabka loogu caddeynayo sharci ahaanshiyaha go’aanka madaxweyne ee kala qaadista doorashooyinka.

War-saxaafadeedkii ururka Solla

Haddaba ururka qareenada Somaliland e SOLLA isaga oo ka duulaya ujeedooyinkii loo aas-aasay wuxuu go’aansaday inuu dadwaynaha u iftiimiyo murranadan sharci e ku saabsan kala saarida labadan doorasho.

Waxa sharci ah oo lagu dhaqmayaa go’aanka uu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland u ku kala qaaday labadan doorasho waxaana awood u leh soo jeedinta dib-u dhigista doorashada wakiilada madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland sida ku cad Qod. 42 xubintiisa 3 aad e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaanu madaxwaynuhu dabaqay awoodiisa sharci e ku xusan Qod.42 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ka masuul ah oo ummadda reer Somaliland u doorteen madaxwaynaha isagaana ummadu kala xisaabtamaysa masuuliyada loo doortay sharci ahaan.sida ku cad Qod.92 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu leenahay ummadani may dooran beesha caalamka e waxay dooratay oo madaxwayne u ah madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muddane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Dib-u dhaca doorashada wakiiladuna waa arin ku timid masuuliyad darradda golaha wakiilada oo aan diyaarin xeerkii lagu dooran lahaa golaha mar haddii aan xeer jirin haddana aanay diyaar u ahayn in la sameeyo iyada oo waliba jiraan duruufo badan oo caqabad ku ah samaynta xeer deg-deg ah oo hadda la bilaabo, samayn la’aanta xeerka iyo caqabadaha ku xeeranina waxay sabab u yihiin dib u dhiga doorashada.

Waxa kale oo aanu halkan dadwaynaha uga iftiiminaynaa hadal haynta ay dadka qaar hadal hayaan e ah in go’aankii dastuuriga ahaa e maxkamada sare hore uga soo saartay doorashada e ay maxkamada sare ku ansixisay go’aankii guurtida e ku saabsanaa dib u dhigista labada doorashada, go’aankaasi dastuuriga ah e ay maxkamadu hore u soo saartay kama hor-imanayo go’aankan uu madaxwaynuhu ku kala saaray labada doorasho sababto ah sharci ahaan waa laba arimood oo kala duwan go’aanka maxkamada dastuuriga ahi kamuu hadal in aan mar danbe dib loo dhigi Karin doorashada iyo in aan la kala saari Karin midna, balse waxay maxkamada ansixisay muddo kordhin ay guurtidu samaysay iyo mid ay komishanka iyo xisbiyadu sameyeen ayey maxkamadu go’aankii guurtida ansixisay.

Sharci ahaan marka la fasiro ujeedada go’aankii maxkamada e dastuuriga ahaa dulucda ay ka garnaqaysay ama murranka sharci e ay ka

jawaabaysay wuxuu ku koobnaa ma go’aanka muddo kordhinta e guurtida ayaa sharci ah mise go’aanka muddo kordhinta e komishanka iyo xisbiyada aya sharci ah taana maxkamadu way ka jawaabtay oo waxay ansixisay go’aankii guurtida.

Khilaafkan sharci e hadda loo gudbinayaana waa mid ka duwan kii ay hore u ansixisay oo kama hor-imanayo go’aankeedii hore. Waana arin sharci ah oo ku xusan dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.Qod.101 e dastuurka qaranka Somaliland.iyo Qod. 6 xubinta 4 aad xarafka A,B e xerN0 24/2003 xeerka nidaamka garsoorka.

Ugu danbayn ururka qareenada Somaliland e SOLLA wuxuu si buuxda u taageerayaa go’aanka madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland waana go’aan sharci ah oo ku dhisan dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland”.

ALLah       Mahad          Leh

Mohamed Mohamoud   Hashi: Guddomiyaha Ururka Qareenada Somaliland e SOLLA

Goobjoog News