U bood dhigaalka

Waaxda Cadaaladda Mareykanka oo Racfaan ka Qaatay Go’aankii Lagu Hakiyay Degreetadii Madaxweyne Trump

Sheeko:Dalka

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay xukunkii maxkamadda Seattle ee Washington ay ku gaartay iney hakiso si kumeel gaar ah go’aankii madaxweyne Trump uu xayiraadda ugu soo rogay 7 dowladood oo ay Soomaaliya ku jirto.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay go’aanka maxkamadda ayaa yiri; ” Waan ku guuleysaneynaa racfaanka, nabadgalyada dalkeenna dartii, annagaa guuleysaneyna”.

Mas’uul u hadlay arrimaha dibadda Mareykanka oo ay soo xigatay wakaladda wararka Reuters, ayaa waxa uu  yiri, waxaan ka noqonnay xayiraaddii dhanka Visa-ha, dadka haysta Visa aan dhicin way u safri karaan Mareykaka”.

Madaxweyne Trump oo Twetter-kiisa ku soo daabacay qoraallo uu ku weerarayo go’aanka garsooraha ayaa waxa uu  yiir “Waxaan u arkaa midkan isku tilmaamay garsooraha oo waddankeenna u diidan in qaanuunka la isku xukumo, inuu ku kacay tallaabo doqonniimo ah, waanan burin doonnaa go’aankiisa”, waxa uuna xaakimka ku eedeeyay inuu waddanka lugta u gelinayo ‘mushkilado waaweyn’.

Maxkamadda Seattle ee Washington ayaa Jimcihii soo saartay go’aan lagu joojinayo si kumeel gaar ah, degreetadii madaxweyne Trump uu ka gaaray qaxootiga iyo socdaalka 7 dal oo Muslim ah oo uu ku jiro dalkeenna Soomaaliya.

Goobjoog News