U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhaqan gelisay amar ay ku xireyso isku socodka gaadiidka waddooyinka Muqdisho oo muddo Labo cisho ah Soconeysa.

Ciidamda dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho oo laga xanibay isku socodka gaadiidka, xanibaad muddo Labo cisho ah socon doonta.

Ulajeedadda xirnaashiyaha waddooyinka ayaa maamulka gobolka Banaadir ay ku sheegeen sababo ku aaddan adkeynta amniga doorashada madaxweynaha oo maalinimada barri ah ka dhacaysa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Axaddii la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maalmaha Talaadada iyo Arbacada ah la xiriyo waddooyinka magaalada Muqdisho, doorashada madaxtooyada Soomaaliya oo magaalada ka dhaceysa awgeed.

Waddooyinka xiran ayaa mar kasta waxay dhibaato ku yihiin shacabka danyarta ah ee Muqdisho oo ku rafaadda socod dheer iyo waddooyin raf ah oo ay u maraan si ay mar un ku gaaraan shaqooyinkooda iyo goobohooda ganasi.

Goobjoog News