U bood dhigaalka

Waddooyinka Xiran Ee Muqdisho Oo Sameeyey Ganacsigii Magaalada

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa hirgalay ammarkii maamulka gobolka Banaadir ee lagu xirayey waddooyinka magaalada Muqdisho illaa maalinta berri oo Arbaco ah, iyadoo waddooyinka xiran ay saameeyeen ganacsigii magaalada.

Suuqayada waaweyn ee magaalada sida Bakaaraha waxaa saameeyey waddooyinka xiran, iyadoo inta badan suuqaasi aanu furneyn.

Ganacsatadii suuqa oo qaarkood awoodi waayey iney lugeeyaan ayaa sababta qeybo kamid ah suuqa u xiran yahay kamid ah, sidoo kalena sababta waxaa ku jirta dadkii oo iyaguna ku talogalay waddooyinka xiran.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News, oo kusoo lugeeyey wadada wadnaha ee Muqdisho ayaa soo sheegay in 90% ganacsigii ku hareersnaa wadadaasi uu yahay mid xiran.

Isgoysyada Muqdisho waxaa lagu arkayaa ciidamada ammaanka, iyadoo sidoo kalena aanu jirin wax isku socod gaadiid shacab ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Axadii lasoo dhaafay saxaafadda la hadlay waxa uu ka codsaday shacabka Muqdisho iney sabraan Labada maalin ee soo socota.

Goobjoog News