U bood dhigaalka

Danjire Keating Oo Ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi ay gaaraan wafdi ka socda beesha caalamka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in wafdigani uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Madoobe Soomaaliya MR Micheal Keating.

Micheal Keating ayaa isagu Gaalkacyo kula kulmi doona guddiga nabadda ee labada dhinac.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inuu kala hadli doono sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada Galmudug iyo Puntland oo weli isku horfadhiya goobtii lagu dagaallamay.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News