U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Degmada Diinsoor

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxa ay gaareen degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Waxaa madaxweynaha la socda, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku sugan, sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo uu la qaato waxgaradka degmadaasi.

Degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana horay u maamuli jiray degmadaasi Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News