War Deg Deg Ah : Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed oo Loo Doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliya
Sheeko:Dalka
Kalfadhigii ugu horeeyey oo uu maanta yeeshey baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiye loogu doortey Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ahaa sedex musharax oo xilka kula tartamay.
Illaa iyo 275 xildhibaan oo dhalinyaro ah ayaa baarlamaanka xubno ka ah, wuxuuna noqonayaa baarlamaankii ugu horeeyey oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed yeeshaan xili adduunka kale ay ka jiraan baarlamaano ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.
Faahfaahin kalfadhiga iyo warbixin ku saabsan doorashada ayaan dhawaan soo gudbin doonaa
Goobjoog News