U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dilal La Xiriira Aano Qabiil Oo Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ay dabley hubeysan gobolka Galgaduud ugu geysteen Labo nin oo saarnaa gaari shacab ah, kaasi oo ka ambabaxay deegmada Caabudwaaq ee gobolkaasi.

Wararka Goobjoog News ay helayso waxay sheegayaan in dableyda hubeysan ay gaarigan u galeen deegaan u dhaxeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanballe, waxaana rasaas ay oodda kaga qaadeen gaarigaasi.

Labo qof ayaa halkaasi ku dhimatay, Labo kale oo mid ka mid ah ahaa darawalkii gaarigana dhaawac ayaa soo gaaaray,  iyadoo goobta ay ka baxsadeen dableydii wax dishay.

Dadkan ka baxay degmada Caabudwaaq ayaa kusii jeeday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in Labada qof ee dhimatay la shaqeynayeen Hay’ad samofal ah.

Dadka ku sugan degmada Caabudwaaq waxay sheegayaan in tani ay tahay aano qabiil oo muddooyinkaanba ka taagneyd degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala  soco wararkeena kale

Goobjoog News