U bood dhigaalka

Dad Dil iyo Dhaawac loo gu Geystay Deegaanka Bariire

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool deegaanka  Bariire ee gobolka Shabeellada hoose ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka gaar ahaan kuwa Gorgor, waxaana cabashadooda ay ku aadan tahay dil la sheegay in ciidamadu u geysteen laba qof oo kamid ah dadka deegaanka, kuwaas oo ciidanka Gorgor  ay toogteen, xilli ay ka yimaadeen Beeraha oo ay jireen.

Qof kamid ah ehelada dadka la dilay oo  la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadu ay ku hayaan dadka deegaan tacadiyo isagoo xusay  in maanta ciidanku dileen laba ruux, halka ay dhaawac u geysteen qof kale, waxaana uu sheegay in coobaha caafimaad ay aad u liitaan deegaanka, iyagoo baaq u diray madaxweynahaJamhuuriyadda mudane Xasan Shiikh.

Qofka deegaanka ee la hadlay Goobjoog News  ayaa xusay in laba ruux ee la dilay wiilal, isaga oo intaas raaciyay in lagu yiri waxaa ay ahaayeen Shabaab, kadibna ciidanku ay meel fariisiyeen kadibna ay toogteen, waxaana uu dhanka kale uu raaciyey in qof dumar ah oo Eedo u ah sidoo kale ay ciidanku dhaawaceen rasaas ay fureen, iayadoo lagu dabiibayo xarun caafimaad.

Halkaan Ka Dhaceyso Waresiga

Goobjoog News

Mawduucyada:Waraysi