U bood dhigaalka

Wareysi: Danjiraha Soomaaliya Ee Koonfurta Suudaan Oo Ka Hadlaya Jaaliyadda, Howlaha Safaaradda iyo Magafayaasha

Sheeko:Dalka

Dalka curdinka ah ee Koonfurta Suudaan, in kasta oo ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo loolan u dhaxeeya madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar hadana waxaa uu ka mid yahay dalalka ay Soomaalida u tageen ganacsi, waana dal ay sidoo kale marriin ka dhigtaan magafayaasha dadka u tahriibiya Libya.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay wareysi gaar ah arrintaasi kala yeelatay Danjiraha Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud. Innaga oo ugu horreyntii weydiinnay afur uu u sammeeyay madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.

Danjire Xuseen: Kulanka waxaa ka soo qeyb-galay dad badan oo ay ku jiraan safiirrada dalalka shisheeye, wasiirrada, xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxda wadanka ugu sareysa, muslimiin iyo kuwa aan muslim aheen intaba, madaxweynaha Salva Kiir ayaa dadkii ka soo qeyb-galay mid mid u salaamay.

Waxaa kale oo goobta joogay madaxweyne ku-xigeenka, taliyeyaasha ciidamada, cidna kama maqneyn.

Goobjoog News: Waa Sidee hadda xaaladda guud ee Koonfurta Suudaan?

Danjire Xuseen: Arrintaas waxaa mooddaa in ay soo dhowaaneyso, waayo militari ahaan waa loo jabiyay mucaaradka, xagga siyaasadda ay ka noolyihiin. Waxaa la filayaa in ninkuu mucaaradka ugu tunka weynaa ee Riek Machar iyo Salva Kiir ay Khartoum ku kulmi-doonaan haddii waxba sida ay ku socdaan ku dhammaadaan.

Goobjoog News: Arrimaha Jaaliyadda markan u soo laabanno: imisa Soomaali ah ayaa ku nool koofurta Suudaan?

Danjire Xuseen: Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfurta Suudaan waxaa lagu qiyaasaa 10 kun, Soomaalida oo dhan ayey ka kooban tahay, Sida aad ogtahay Soomaalida waxaa ay wada heystaan Baasaboorada caalamka gaar ahaan Yurub, Mareykan iyo dalalka dariska ah, laakin ku dhowaad nus ayaa heysto kii Soomaaliga ahaa.

Goobjoog News: Soomaalida halkaas ku nool waxbaayabaha ay qabtaan maxaa ka mid ah?

Danjire Xuseen: Soomaalida wadanka joogta waa ganacsato, qalabka dhismaha, cuntada, shidaalka, gaadiidka wax qaada iyo lacagaha intaba waa keenaan, iyagaana gobollada u qeybiya. Waxaa wadankan ku yaallo 10 dukaan oo haween Soomaali ah leeyihiin, Soomaalida dalkan joogta, qofka ugu liita waa darawal.

Goobjoog News: Safaaradda, Waxyaabaha ay fududeyso, maxaa ka mid ah?

Danjire Xuseen: Marka laga soo tago howlihii caadiga ahaa ee Baasaboorada iyo Go Home-ka, waxaan dadkaasi u nahay dallad dusha ka ilaalisa, iskuna xirta iyaga iyo dowladda ay joogaan.

Waxaan u sameynay guddi ay iyaga doorteen, oo dadkaas iyo safaaradda u dhaxeeya, guddiga waxaa ay xataa ku jireen kuwa ka qeybgalay afurka uu madaxweyne Salva Kiir Sameeyay.

Goobjoog News: Xal maloo helay arrinta magafayaasha ee dadka u qaadayey Libya?

Danjire Xuseen: Howshaasi waa socotaa, inkasta oo annaga iyo wadanka aan joogno ay dharbaaxo nagu noqotay markii la sii daayey magafayaal ay horay u soo dhiibeen hadana dadaalkii waan ku jirnaa. Todobaad ka hor 9 qof ayaa Xamar ku celinay, mas’uuliyiinta Koonfurta Suudaan waxaa ay noo sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay ka tirtirayaan.

Goobjoog News