U bood dhigaalka

Diyaargarowga Xulalka Senegal iyo Egypt, Saadaashiisa Kulankan & Wariye Maxamed Xaraare Oo Inooga Warramay Tartankan AFCON 2021

Sheeko:Cayaaraha

Koobka qarammada qaaradda Afrika ayaa soo gaaray meel gabagabo ah iyadoo la sugayo in kaliya la ciyaaro kulanka kaalinta saddexaad oo ay caawa isku hayaan xulalka Burkina Faso iyo Marti-geliyeyaasha tartanka ee Cameroon & Sidoo kale Final-ka tartanka oo ay ku ballansan yihiin xulalka Senegal iyo Egypt.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno tartankan iyo marxaladihii uu soo maray waxaan ka wareysannay Maxamed Cabdi Xarare oo tartanka qarammada qaaradda Afrika uga soo warrama laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxaana isagoo qadka Taleefanka Goobjoog ugu warramayay aan ugu horreyn weydiinay bal inuu sawir guud inaga siiyo tartanka Koobka qarammada Afrika ee AFCON 2021.

Xulalka Burkina Faso iyo Cameroon ayaa isku haya caawa kulanka kaalinta saddexaad, waxaana isagoo ka warramayay Maxamed Cabdi Xarare uu sheegay in Marti-geliyeyaasha tartanka ee Cameroon ay haystaan gooldhaliyeyaal cajiib ah, waxaana uu yiri:

“Lama qiyaasi karo cidda ku guuleysanaysa kulanka kaalinta saddexaad, Cameroon waxaa mar waliba dhab ka ahayd ama ay doonayeen inay koobka qaadaan, waxaanu arkaynay inay kaliya koobka doonayne ay sidoo kale doonayeen inay billado qaadaan, ilaa iyo iminka goolasha ugu sarreeya ee koobkan qarammada Afrika ee 202, waxaa haysta labo laacib oo reer Cameroon ah oo isku xiga oo lix gool iyo shan gool kala haysta Vincent Aboubakar (6) iyo Karl Toko Ekambi oo haysta 5 gool, dhankaa marka aad ka eegto aad iyo aad ayay Cameroon u muuqataa inay mar uun meel ka heli doonto masraha billadaha koobkan qarammada Afrika, laakiin Burkina Faso oo ka sheegtay in dhowr ka mid ah xiddigaheeda laga helay KOFID 19, isla markaana ka sheegtay inay xagal-daaciyeen waaxda caafimaad ee dowladda Cameroon ayaa doonaya inay kulankan ka aarsadaan Cameroon oo ay ciyaartan ka badiyaan.”

Dhanka kale isagoo ka hadlayay sida ay dadka Cameroon uga falceliyeen in iyagii oo ah marti-geliyayaasha tartankan la reebo, waxa uu yiri Maxamed Cabdi Xarare: “Dadka runtii niyad-jab weyn ayaa ku dhacay aad ayay u doonayeen in koobkan qarammada Afrika ee dalkooda lagu qabtay ay ruxaan.

“Runtii waxaad ka dareemeysay in habeenkii ciyaartii Semi-finalka ahayd  ee masar adkaatay markii ay soo dhammaatay in waddooyinka magaalada ay si deg deg ah dadku uga dhammaadeen qof walbana uu doonay inuu gurigiisa murugada la joogo, xitaa maalintii xigtay oo shalay ahayd suuqayada lagu iibiyo qalabka ciyaaraha ay aad isku dhimeen, niyad-jabku waa mid ka muuqda Magaalada iyo guud ahaan waddanka.”

“Warbaahinta gudaha marka aad dheehato is-eed-eed fara badan ayaad ka dareemeysaa, marka niyad-jab weynaa runtii ku dhacay xulka Cameroon, waxaana laga yaabaa iyagoo niyad-jabkaa ka faa’iideysanaya inay maanta car-car kale la yimaadaan oo ay wax uun ciyaartoydu u keenaan Taageerayaashooda.” ayuu Xarare hadalkiisa raaciyey.

U diyaar garowga labada xul ee Masar iyo Senegal ayaan wax ka weydiinnay sida uu yahay waxaana uu sheegay in diyaar garow adag uu jiro, balse xulka Masaaridu ay dalbanayaan in kulankan dib loogu dhigo waxaana uu yiri: “Masar maamulkooda waxa ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in ciyaartooda dib loo dhigo, maadaama sida ay sheegeen ay ciyaareen saddex ciyaar oo is-xigta oo mid walba ay ku dhammaanaysay waqtiga dheeraadka ah 120 daqiiqo, marka iyagu waxa ay door-bidayeen in dib loo dhigo, balse kulanka waqtigiisa ayuu dhacayaa, waana maalinta Axadda ah.”

“Diyaar-garowga guud waa iska muuqdaa taageerayaal fara badan ayaa dalkan imaanaya oo Qaahira iyo Senegal labadaba ka imaanaya, waa ay soo badanayaan Taageerayaasha, macallimiinta iyo ciyaartoyda iyaguna diyaar-garow fara badan ayaa dhankooda ka socda, waa Masar oo doonaya inay markeedii 8-aad koobkan qaaddo iyo Senegal oo doonaya inay markii ugu horreysay koobkan qaadaan, cidna wax badsi ayay rabtaa, cidna wax uun ayay doonaysaa.”

Wareysigan oo ah mid dheer waxa uu Maxamed Cabdi Xarare sidoo kale kaga hadlay dhacdooyinka xun ee laga tabinayo Koobka qarammada Afrika 2021 saameynta ay ku yeelan karaan haddii markale uu xulka Cameroon soo doonto marti-gelinta tartankan.

Waxa ay uga dhigan tahay in labada Weeraryahanka ee Liverpool Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay isugu yiraamaan Final-ka Koobka qarammada Afrika.

Haddii Mane uu koobkan ku guuleysto in loo gacan galin karto xiddiga ugu fiican tartankan iyo haddii uu ku guuldarreyso waxa ay uga dhigan tahay  Weeraryahanka Liverool ee Mane.

Sadaashiisa xulka ku guuleysan kara koobka qarammada qaaradda Afrika ee Senegal iyo Masar ayuu bixiyey Maxamed Cabdi Xarare ee halkaan hoose ka dhegeyso Wareysiga oo dhammaystiran, waxaana Wareysigan qaaday Haaruun Yuusuf Khasaaro.

Goobjoog News

Mawduucyada:Waraysi