U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Soo Bandhigtay Shaqsi La Sheegay Inuu Ka Tirsan Yahay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay shaqsi ay sheegeen inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka wasaaradda Axmed Maxamed Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shaqsigan ay soo qabteen ciidamada Booliiska, xilli uu dad shacab ah Bam ku tuuray waa sida uu hadalka dhigaye.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in shaqsigan gacantiisa laga helay calaamad muujineysa inuu Bam ku tuuray Isgoyska Bakaaraha, baaritaanno kalena ay jiraan.

“Waxaan u mahadcelineynaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo guul soo hoyey, waxay soo qabteen cadow dhagar qabe ah oo shacab Soomaaliyeed Bambo ku tuurey, shacab ku sugan Isgoyska Bakaaraha Bam ku tuuray… gacantiisa waxaa laga helay caalamad muujineysa Bambada tuuray, waxaa kaloo laga helay calaamad ah halka uu Bamka surtay” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn Afhayeen Axmed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney wada shaqeyn buuxda la yeeshaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amni darro.

Goobjoog News