U bood dhigaalka

Wasaaradda Cadaaladda Oo Sheegtay In Ay Rajeyneyso Dhaqan-gelinta Hannaanka Cusub Ee Fedaraaleynta Garsoorka Dalka

Sheeko:Dalka

Markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ballanqaadyadiisii ka mid ahaa in uu cadaaladda wax ka qabanayo, nidaamka garsoorka dalkana uu hagaajinayo .

Dad badan ayaa qaba in cadaaladda dalka ay aad u liidato musquq bandanna uu ka jiro hay’adaha garsoorka dalka kuwaas oo dhammaantood sugaya in madaxweynuhu uu wax ka qabto.

Isbeddelkii rajada laga sugayey cadaaladda Soomaaliya ayaa bilow u ah hannaanka Fedaraaleynta cadaaladda Soomaaliya, tani ayaa timid ka dib markii heshiis siyaasadeed oo ku saabsan  hannaanka cadaaladda iyo asluubta Soomaaliya lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Qodobbada heshiiska laga soo saaray waxaa ka mida ah in maxkamd Dastuuri ah la sameeyo, iyo in dowlad goboleedyada dalka ay yeeshaan maxkamad sare.

Haddaba maxaa loogu baaqay in dowlad goboleedyadu ay yeeshaan maxkamad sare oo loogu ekaan waayey Maxkamd racfaan oo kaliya, arrinta waxaa sharraxaya  Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay Goobjoog News.

“Waxan heshiiskaas ku gaarnay hannaanka cadaaladda garsoorka Soomaaliya uu yeelanayo, waxa uuna u baahan yahay in la horgeeyo golaha amniga qaranka, ka dibna markii ay ansixiyaan loo gudbiyo wasaaradda Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan”.

Garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya waa meesha kaliya oo aannu saameynin nidaamka Fedaraalka balse haddii awoodaha dalka sidaan loo qaybiyo maxaa ka dhalan kara? Axmed Cabdirisaaq Qamsa oo la hadlay Goobjoog News waxa uu yiri:

“Waqti dhow ayaa la sameeyay guddiga Dastuurka, Dastuurkii oo weli qabyo-qoraal ah iyo in sharciyadii mideynta aan wali la sameynin, marka waxa ay ila tahay in aan la qaybin karin awoodahaan, Dastuurka hadda noo yaalla markii la isku qabsado waxaa loo laabtaa kii lixdankii”.

Maamul goboleedyada dalka ayaa ah kuwo aad u raadinaya in ay yeeshaan garsoor madax-bannaan oo iyaga u gaar ah .

Goobjoog News