U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Xallisay Khilaaf Dhanka Canshuuraha ah oo Ka Taagnaa Borama

Sheeko:Dalka

Wasiirka maaliyadda  Somaliland marwo; Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay iney xallisay khilaaf u dhexeeyey  ganacsatada qaadka Borama  iyo waaxda cashuuraha ee Borama.

Wasiir Samsam oo booqasho ku tagtay Borama maalinimadii shalay ayaa sheegtay iney waaxda cashuuraha dawlada hoose ee Borama ay ku soo rogtay qaadleyda  in cashuurta lagaga qaado Boosteejada laga soo galo magaalada ee dhinaca Wajaale xiga, halkaas oo ay sheegtay in qaadleydu ka cabneyso in iyaga oo aan wali soo saarin macaashkii lacagta ay  dawladda hoose lacagta ka sii horumarsanayso taasina ay keentay iney cabasho xoog leh ka keenaan.

Wasiirka waxay sheegtay in hadda ay ku soo celisay nidaamaka sidii hore ee cashuurta lagaga qaadi jiray Qaadleyda oo aheyd In lacagta habeenkii laga ururiyo, waxayna tiri” Hadda sababta aan Borama u imid  waa inaan xalliyo khilaafkaasi oo waaxda cashuuruhu bilawday  iyada oo ka qaadday lacagta waqti ay sheegeen Qaadleydu ineysan ku haboonayn hadda waan xallinay “.

Magaalada Borama oo ah goobaha qaadka ugu badan ee ka yimaadda Ethiopia uu galo ayaa waxay sidoo kale u dhawdahay magaalada xuduudda ah ee Wajaale oo qaadku soo maro  waxaana waqtiyo kala duwan oo maalinkii ah gaara magaalada qaad kala magacyo duwan oo xilli kasta yimaadda .

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa cabashooyin kala duwan oo dhanka cashuurta ah ayaa qaadleyda ka kala ganacsata magaalooyinka Laascaanood iyo Berbera ay u soo jeediyeen wasaaradda maaliyadda laamahooda cashuura waxaana xilliyada qaar dibadbax ay sameeyeen qaadleydu  uu keeney dhimasho iyo dhaawacba.

Goobjoog News