U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Sheegtay Tirada Rasmiga Ah Ee Ardeyda Imtixaanka U Fariisaneyso

Sheeko:Dalka

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah lagu diyaariyey gudaha dalka.

Ugu horreyn Wasiirku waxa uu ka hadlay sharciga waxbaashada dalka qodbka ka hadlaya qiimeynta ardayda ee dhammaad sanad dugsiyeedka

“Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Dalka Sanad dugsiyeed walba dhammaadkiisa waa in arday Kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaangeliyaa la kaydiyaa lana ogaysiiyaa natiijada Imtixaanka, sidaa daraadeed arday kasta oo dhammeystay dugsiga sare waxaa waajib ku ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka.” , ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in maalinta Sabtida ah ee soo aaddan si rasmi ah imtixaanka shahaadiga ah loo fariisan doono waxaa uuna yiri “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ku jirtaa diyaar garow aad u weyn oo lagu doonayo ka miro dhalinta howlaha Imtixaanka, sidaan horey u shaacinnay bishan May 19-keeda, 2018, waxaa dhammaan ardayda dhammeysanaysa Waxbarashada Dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ay u fariisan doonaan, imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka.”

Wasiirka waxaa uu tilmaamay in sanadkan ay imtixaanka dugsiga sare u fariisan doonaan27,600 waxaa uuna yiri  ”Sanad dugsiyeedkan Imtixaanka waxaa u fariisan doona, 27,600 (todobo iyo labaatan kun iyo lixboqol) oo arday, waxaana lagu geli doonaa in ka badan 120 xarumood oo ka tirsan Afar maamul-goboleed, oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Benaadir.”

Wasiirka Waxbarashada XFS waxa uu tilmaamay labo dhacdo oo taariikhi ah oo markii ugu horreysay sanadkan ku kulantay imtixaanka, mid waa in gudaha dalka lagu daabacay, tan kalena waa in kharashaadkiisa laga bixiyay bajadka dowladda.

Goobjoog News