U bood dhigaalka

Washinton: Tijaabada Gantaalka Cusub Ee Kuuriyada Waqooyi Waa Handadaad Caalami Ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaadhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay gantaalka is kaga gudba qaaradaha,waxa uuna arrintaasi ku tilmaami handadaad ka dhan ah amniga caalamka.

Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa horay u sheegtay in gantaalka ay tijaabisay kuuriyada waqooyi uu jarayo masaafo dhan 1000 KM ka hor inta uusan ku dhicin badda Japan.

Saakay oo arbaco ah ayaa waxay tijaabisay Kuuriyada waqooyi gantaalka is kaga gudba qaaradaha,arrintaani ayaa ka dhalatay ka dib markii Kuuriyada ay si is daba joog ah ay u tijaabineysay gantaalada ridada dheer,kuwaasi oo keenay inay ka dhexdhalato xiisad kuuriyada waqooyi iyo qaar ka mida wadamada caalamka.

Hadalka ka soo baxay wasaaradda gaashaadhigga ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii madaxweyne Trump iyo mas’uuliyiin waaweyn oo ka tirsan aqalka cad ay isla gorfeeyeen gantaalkii ay tijaabisay saakay kuuriyada waqooyi.