U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Puntland: Dadka Amni Xumida Ka Wada Gaalkacyo Cirka Kama Imaan

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan dadka amni xumida ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maalmahan kusoo badanayeen falal amniga kahor imaanaya.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka amni xumida ka wada magaalada Gaalkacyo aanay meel kale ka imaan, islamarkaana ay magaaladaasi ku sugan yihiin, isaga oo ugu hanjabay dadkaasi in tallaab degdeg ah laga qaadi doono.

“Dadka amni xumida ka wado magaalada Gaalkacyo cirka kama aanay imaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa tallaab adag looga qaadi doonaa, waxaan la soconnaa in dadkaasi magaalada ay ku dhex dhuumanayaan” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Qarjab ayaa sheegay in dhawaan la qaadi doono howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana magaaladaasi ka dhacay dilal qorsheysan.

Goobjoog News